Nagu Saabsan

02 / 05

Hadafkeenu waa soo saarista jiil ku sifoobay xifdinta, fahamka, iyo ku dhaqanka Qur'aanka Kariimka. Waxaan kaashanaynaa macallimiin khibrad leh iyo nidaam waxbarasho oo si dhow ula soconaya heerka aqooneed ee arday kasta, anagoo sameynayna qiimeyn iyo imtixaanno joogto ah.

Barnaamijka Maalinta Khamiista

Maalinta Khamiista waa maalin u gaar ah nafaqeynta ruuxda iyo niyadda ardayga. Waxaa loo dhigaa Adkaar, Axaadiis, iyo wacdi diini ah. Sidoo kale, ardayda waxaa la siiyaa waqti nasasho ah, waxaana la geeyaa garoonka kubadda, iyadoo la guddoonsiiyo hadiyado iyo abaalmarinno dhiirigelin ah.

Madrasadda Mama Deqa ee Qur’aanka Kariimka

Admissions